degmada Boholgaras ee gobalka Gedo oo lagu soo gabagaboobay qarameynta ciidanka degmada Boholgaras

   Degmada Boholgaras ee gobalka Gedo ayay saraakiil ka socotay Wasaarada Gashaandhiga, Dowlada Fadaraalka Somaliya, ku soo gabagabayeen qarameynta boqolaal ciidanka degmada ah oo ka mid noqonayaan islamarkaana xaquuqdooda ka heli doonaan, Dowlada Fadaraalka Somaliya. 

Ciidamadan oo ahaa kuwa ka howlgalayey, degmada Boholgaras iyo deegaanno hoostagaan ayaa illaa laga soo bilaabo xilligii burburka aanan helin xuquuq ciidannimo. 
Waxaana maalmahan socdeen diiwaangalin rasmi ah, iyo sidii ay uga mid noqon lahaayeen, Ciidanka Dowlada Fadaraalka Somaliya. 
Waxaana markay soo dhamaatay, diiwaangalinta, ciidamada la hadlay taliyaha howlgalinta Nisa Ee Jubaland, Bakaal Kooke, isagoona kula dardaarmay inay gutaan waajibaadka qarannimo wixii hadda ka danbeeyana uu u bilaaban doono mushaar, dalacsiin iyo xuquuqaha kale ee ciidanku leeyihiin. 


W/q: Cabdulaahi-shaam

Surre

Beelweynta Surre waa beel kamida beelaha Soomaaliyeed waxayna ka mid yihiin beelaha Direed

Post a Comment

Previous Post Next Post
Surre

Contact Form