Gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beesha Fiqi Muxumed ee Surre iyo beesha Gabaaweyn ee Mirifle oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno hoostagaan degmada Boholgaras ee gobalka Gedo ayaa si toos ah u furantay

Gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beesha Fiqi Muxumed ee Surre iyo beesha Gabaaweyn ee Mirifle oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno hoostagaan degmada Boholgaras ee gobalka Gedo ayaa maanta si toos ah u furantay. 

Ergo loo xilsaaray, dhaxdhaxaadinta labada beelood, sarakiil kala duwan oo ciidamada dowlada fadaralka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo, iyo kuwa heer degmo, Maamulka degmada Boholgaras iyo marti sharaf kale ayaa ugu horeyn beelahani waxay ka codsadeen in la qaato nabada lagana shaqeeyo wax walbo oo isu soo dhaweyn kara dadka ay dirirtu dhaxmartay. 

Beelaha Fiqi Muxumed, iyo Gabaweyn oo ku dagaalamay bishan aan ku jirno dhowr deegaan oo ku teetsan jiinka wabiga Jubba ayaa mid walba waxay soo gudbisey, tabashooyin iyo waxa kaga maqan midba beesha kale. 

Ugu danbayn ergadii dhaxdaxdinta waday ayaa ku dhawaaqay in maalinka sabtida ah dib la isugu soo laaban doono halkaasina ay gogosha nabadeed ka sii socon doonto ilaa laga gaaro xal waara. 

Surre

Beelweynta Surre waa beel kamida beelaha Soomaaliyeed waxayna ka mid yihiin beelaha Direed

Post a Comment

Previous Post Next Post
Surre

Contact Form