Waxaa garoonka ciyaaraha magaalada Huurshe kusoo idlaaday ciyaaro dhowr todobaad socday oo dhaxmaray kooxaha ka dhisan magaaladda Huurshe.
Kulankii ugu danbeeyay oo dhaxmaray Kooxaha FC Wadajir iyo FC Waabari oo magaaladda ka wadatirsan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka magaalada ururka Dhalinyarada Siyaasiyin, Waxgarad Aqooyahan iyo Masuuliyiin kale.
Kulan ciyaareedkan oo aad uxiisa badnaa ayaa waxaa koobka qaaday Kooxda FC Wadajir oo goolkulaad uga badisay 4 -3 kooxda FC Waabari.
Waxaana markii ay Ciyaartii soo idlaatay halkaasi si Wadajir ah Koobka iyo biladaha gudoonsiiyey Kooxda FC Wadajir Gudoomiyaha Dhalinyarada Sports ka Xuseen Abdinuur Aadan iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada BIA Mudane Muyadiin Cali Daahir oo Suurta galiyey Koobkii ugu horeeyey ee abid lagu qaado Garoonka kubada Cagta ee Stadium Huurshe.