Sawirkani waa qaar kamida saraakiisii ururukii SNM-ta koofureed ama SNM-tii beelaha Dirta Koonfureed ee Aaga Baareey!
Safka fadhiya midig ka bilow.
1. Muj. Dr Cabdiwahaab Nakruuma.
2. Muj. Cabdinaasir Shiikh.
3. Muj. Yuusuf Kirix.
4. Ninka timaha Rastafariga leh ee muraayaddaha xiranna waa mujaahidkii weynaa ee Muj.Duqow.
Safka taagan bidix ka bilow. 1.Muj.Maxamed.
2.Muj.Maxamed Cabdi Khaakhuul.
3.Cabdul-qaadir iyo
4.Muj.Buule.
Nimankani waxay ka tirsanaayeen saldhigii ururkii SNM uu ku lahaa aagga koonfur galbeed oo la odhan jiray Saldhiga Baarrey. Magaalada Baarrey waxay u dhowdahay gobolka Bakool ee Soomaaliya, waxayna saaran tahay oo ku taala dhinaca Itoobiya. Ciidan xoogan oo ka tirsanaa ururkii SNM, ayaa saldhigan fadhiyi jiray oo ka hawl-geli jiray, kuwaas oo marmar duulaanka ay qaadaan uu kala xidhi jiray isu socodka magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxaa kaloo saldhigan loogu talo galay in madaxdii iyo saraakiishii reer waqooyi ee joogay Koonfurta Soomaaliya, ay si fudud ugu soo talaabaan oo ugu soo galaan xarumihii SNM. Saldhigan Baarrey wuxuu xukumi jiray oo hoos imaan jiray saldhigyo baddan oo aagga koonfureed ay SNM ku lahayd, sida Saldhigyadii Gambadh, Garba-gurraaje iyo Bengool, oo wax yar u jirtay magaalada LUUQ.
Sida uu ii sheegay Muj.Dr Nakruuma oo ahaa dhakhtarkii SNM ee aagga Koonfur Galbeed, waxaa madaxdii saldhigan xukumi jirtay ee soo martay ka mid ahaa.
Muj: Cabdinaasir Sheikh Ali Salaad
Muj. Shiikh Yarow
Muj. Khaliif.
Muj. Cabdulqaadir Koosaar
Muj. Xassan Cali Abokor.
Muj. Xuseen Kharashyare.
Muj. Ismaciil Aadan.
Muj. Abwaan Hadraawi.
Muj.Cabdiraxman Maxamed Case.
Sawirkana waxaa inala wadaagey oo inoo soo diray Muj.Dr Nakruuma oo markii horena ka mid ahaan jiray ciidankii 4-aad ee Muj.Maxamed Cali, markii danbena isaga iyo ciidankoodiiba laga dhigay ciidankii lagu aas-aasay ururkii SNM.
Muj.Dr Nakruuma, sida uu ii sheegay maalintii la afduubay diyaaraddii Somali Airline, Isaga iyo Muj,Siciid Xabashi, waxay ahayeen labbadii nin ee dawladdii Itoobiya u ogolaatay inay diyaaraddaas gudaha u galaan, weliba Muj.Cawil Cadami wuxuu gartay Dr.Nakruuma, wuxuuna yidhi ninkan ayaanu garaneynaaye ha nala joogo, siciidna ha iska tago. Afartii maalmood ee diyaaraddaasi ay afduubnaydba Dr-ku wuxuu la joogay mujaahidiintii diyaaradda afduubtay.
Muj.Dr Nakruuma, 1982-kii ilaa maanta wuxuu u shaqeynayaa ummaddiisa, illaahay haka jasaa,i siiyo abaalka uu dalkiisa iyo dadkiisa ku leeyahay ee uu u galay.
Muj.Nakruuma oo usbiicii hore ila hadlaayey wuxuu yidhi "Suleymanoow sababta aan taariikhda iyo sawirkaba kuugu soo diray waa si aan loo ilaabin, dadkii daganaa Aagga baarrey iyo nawaaxigeeda ee maalintii ay adkayd hiil iyo hoodaba inala garab taagnaa, waana inaynu xusnaa oo xasuusana, halgankuna waqooyiga keliya kumuu koobnayne, SNM dhul aad u balaadhan ayey ka dagaalameysey".
Wuxuuna haddalkiisii ku soo gabagabeeyay Muj.Nakruuma "Kalsoonida aanu aaggaas ku qabnay,marka madaxda SNM ee Sar sare ay soo booqato, cidi may ilaalin jirin, waayo dhulkaasi iyo dadkaasba kalsooni buuxda ayaanu ku qabney.
Ku noqo sawirka, si aad u fahantaan dadka deegaankan deganaa,
1. Muj.Duqow,
2. Muj.Cabdi-naasir Shiikh
3. Cabdul-qaadir. waa beesha Surre.
Muj. Maxamed. iyo Muj. Buulena waa beesha Gaadsan, labbadan beelood waxay ahayeen kuwii aaggan Baarreey hiilka iyo hooda iyo dhiigaba la dhinac taagnaa SNM.
Mujaahid C/naasir sheikh Cali Salaad wuxuu ahaa Madaxdii ugu sareysay aagaa isla markaana aagaga Garba guraayo, Bangool ilaa Baaray uu reerkoodu fadhiyay, waxayna hiil & Hooba lagar istaageen SNM,
Mujaahid C/naasir Sheikh Ali Salaad wxaa lagu naa naysi jiray (Daba-yareey) wuxuu udhashay beesha Sure gaar ahaan Reer Fiqi Maxamed, wxuuna ku dhashay Degmada Xeraale miyigeeda.
Gobtii loo dhintaay
Ma abaal guddaan. Abwaan Aadan Tarab