Kulan Tashi iyo duco isugu jira oo degmada Sheygoosh ugu qabsoomay Beelaha Xer (Surre) ee Fiqi Kheyre iyo Fiqi Yaxye

Kulan Tashi iyo duco isugu jira oo degmada Sheygoosh ugu qabsoomay Beelaha Xer, (Surre), ee Fiqi Kheyre iyo Fiqi Yaxye 

waxaa kulan wada tashi iyo duco ah isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Xer ama Surre kaasoo ka dhacay dagmada sheygoosh,
Beesha ayaa ka wada hadlaysay La jaanqaadidda Xilliga kala guurka iyo is badalka ee deegaanka DDS ka dhacay,
Waxaa Kulanka Hagayay odey dhaqameedka oo uu hormuudka u ahaa gudoominayayna shirka, Ugaaska beesha, Ugaas Xayi cabdixashi, iyo Sheekha weyn ee Caalimka ah Sheekh Bashiir,
Dhamman qodobadii ay isla jeexjeexeen waxay kusoo dhammaadeen is afgarad guul iyo midnimo taam ah.
Beesha oo kamid ah beelaha wax kadagaan gobolada Qoraxey iyo Jarar, ayaa go'aan ku gaadhay inaysan ka hadhin
Horu dhigida ka qayb qaadashada is badalka nabad galyada, taageerida dowlad deegaanka Somaliyeed,
Beeshan oo weligeed ku suntanayd ilaalinta is xaqdhowrka  daris wanaaga iyo nabad galiyada deegaanka ayaan ka saarin ajandayaashooda inay helaan mudnaantooda deegaanka, waxuu shirkaanu daba socday Shirar hore oo ay ku yagleeleen guulo muhiim ah oo ay ku samaysteen ugaaskooda karaamada leh,. Waxaa lagu ballamay in shirarka iyo isku duubnimadu ay joogtoowdo. 

Surre

Beelweynta Surre waa beel kamida beelaha Soomaaliyeed waxayna ka mid yihiin beelaha Direed

Post a Comment

Previous Post Next Post
Surre

Contact Form