Halkaan waa burdhiinle waa xuduud beenaadka somalia iyo ethiopia waxaa degnaa ciidamadii ilaalada xaduuda ee dowladii hore ee 1991 lariday
Burdhiinle deegaanka deefow waxey ujirtaa 10km masaafo an ka badneyn Deefoow waa taliskii looga arimin jiray ciidankii daganaa xuduudda burdhiile madama aay tahay deefow deganka kaliya ee leh buundo inta udhaxeyso baladweyne ilaa deganka deefow oo isku jiro 35km
waxaan jeclestay sheeko 2013 aan ka xasuusto inaan idinla wadaago waxaan ka imid deegaanka Galcusbo aroos ka jiray waxaana kasoo laabtay xilli habeen ah halkaas (Burdhiinle) waxaa soo maray aniga iyo asxaabteyda aadba moodid waraabaha ama dhurwaaga iney utahay saladhiga bariga afrika uga duulaan tago lkn anigoo markaas dhankaas ku cusbaa waligeyna waraabe toos iiga hor imaanin cabsi badan kadib waxaan iska dhigay qofan baqeynin lkn kooxda ila socoto waa dhul yaqaan isla markii burdhiinle garab socodkisa wey iga leexiyeen maadaama aan aad uga cabsanayay raxanta warabaha ee dusheyda ka dul dhawaaqeysay Lakiin waxaan layaabay meeshaas ay waraabayaasha ka ciyayaan laba reer ayaan ku maray mid aan qaraabo nahay baan ka aqoonsaday oo cabsi ka qabin inuu xoolaha waraabuhu ka laayo Ugu damben xili saq dhaxe ah waxaan lugta so gilinay deegaankii aan usoconay ee deefoow