Xafladda daahfurka sanad dugsiyeedka 2021-2022
Xaflad qurux badan oo ay soo agaasimeen maamulka iyo macalimiinta dugsiga kana soo qayb galeen waalidiinta, ardada, macalimiinta iyo maamulka magaalada ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsiga Hoose Dhexe ee Cabdiyow
Xafladaan ayaa ahayd mid lagu daahfurayay dugsiga laguna abaal marinayay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanka dugsiga ee sanadkan.
Maamulka dugsiga Iyo gudoomiyaha magaalada Miirjiicley, Yuusuf Maxamuud Fiqi ayaa gudoonsiiyay abaalmarino 2 Arday ee ugu saraysay ardayda oo kala ah
1) Bashiir Mohamed Muuse oo ah ardaygii ugu sareeyay ardayda dugsiga dhexe iyo
2)Bishaaro Mohamed Ibrahim oo ah ardayadii ugu saraysay ardayda dugsiga hoose.
________________Dhamaad__________________
Hambalyo Hambalyo
Abdio Primary School
Waxbarta aan barwaaqo gaarnee.