Munaasabad iskugu jirtay sagootin iyo daah fuurka Sanad dugsiyeedka 2021_2022 ayaa lagu qabtay dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee
Sh. Yusuf Primary & Secondary School ee magaalada Huurshe ee Gobolka Galgaduud.
Waxana munaasabada ka soo qayb galay boqolaal dadweeynaa oo iskugu jira macalimiinta, ardayda, waalidiinta, iyo Aqoonyahan Wargarad ,Maamulka Dagmada masuuliyiin katirsan baarlamaanka Galmudug iyo Bulshada kala ee Degmada In taas kadib waxaa abaalmarino lagu gudoonsiiyey ardaydii ka qalin jabisay dugsigaan iyo kuwii ka galay kaalmaha hore fasallada School-ka.
Sidoo kale maamulaha dugsiga mudane Mubaarag Moalim Hassannor ayaa ardayda usheegay kulana dardaarmay in ay ka faaiideystaan wakhtiga kuna dadaalaan waxbarashada waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwii hogaaminlahaa qaranka, mustaqbalka dhaw hadii ay waxbarashadooda ka miro dhaliyaan.