waxaan jecleystay inaan wax ka qoro intii aan awoodo taariikhda dadka aan ka dhashay

hadaanu nahay beelweynta Surre taariikhaha Surre majiro qoraa ama dowlad isku howshay si lamida sida beelaha kale ee Daarood IWM.  Ayadoo qoraayadii ugu waaweynaa qaar kamida ay beelweynta Surre ka dhasheen sida qoraagii weynaa ahna aqoonyahan ahaana mid kamida xubnihii ugu firfircoonaa ee guddiga Qorista Farsoomaaliga hormuudkana ka ahaa in Afsoomaaliga lagu qoro farta laatiinka ah ee aan isticmaalno waa C/laahi Insaaniya AUN buugaag badan oo qiimo badan lehna qoray oo aan ka xusi karno BUUGGA NAXWAHA AFSOOMAALIGA iyo BUUGGA AFKAYGA HOOYO iyo Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo isaguna ah qoraa weyn oo Soomaaliyeed. Buugaag badan oo Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ahna Qoray iyo qoraayaal kaloo badan. Ayaysan hadana jirin taariiqaha quruxda badan ee guud ahaan beelaha Surre cid isku howshay, sheekooyin oday ka sheekee ah mooyee xitaa xeerkii Aji ee beesha oo ay mudda qarniyaal ah isku xukumi jireen 114 qabiil oo gaala madow iyo islaamba isugu jireen cid wax ka qortay lama hayo. 

Dhanka kalana in kastoonan ahayn aqoonyahan iyo qoraa ama waaya arag iyo qof waxbadan soojoogay hadana waxaan jeclahay inaan dadkayga alle iga beeray iraahdo fadhiga ka kaca koley waa la wada toosay in hore loo dhaqaaqo dadka kalana wax lala qabsado ayaa dhiman. Qabiilkuna ceeb maaha ee qabyaaladdaa xun hallagu dhiirradu taariikhda dahabigaa ee aan dadka kale dheer nahay iyo murtida iyo suugaanta dadkeenna IWM. in la keydiyo waxna laga qoro si lamida sida dadka kale. 

Fadlan nagala qeybqaado.

Surre

Beelweynta Surre waa beel kamida beelaha Soomaaliyeed waxayna ka mid yihiin beelaha Direed

Post a Comment

Previous Post Next Post
Surre

Contact Form