Gob iyo hiil ku saacida,
Halka lagu xasuustaay,
Har-qaboowya leeyeey,
Hanfi laga dhantaalay,
Waligeedba hirashada,
Hooy loo dalxiisaay,
Hiyi-dhaya kal-deeqaay,
Hami-kaaba taagaay,
Bulsho heeganleeyeey,
Haybad meel udhalataay,
Degmadayda Huurshaay.
# Abdiqadir Murtiile
Dhul qurxoon oo uu roobku si wacan u xarago-maray uduga iyo layrtuna yihiin labo isu jiibinaya iyo waliba dhalinyaro xariir ah oo wada dhalaalaya marka ay is helaan munaasabada ciiduna ay usii dheertahay waxaa soo baxaya quruxda dhabta ah ee makhluuqaadkaas eebbe samaystay.