Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Dusmaaley ee hoostaga degmada Xeraale wafdi ay hugaminayeen gudomiyaha degmada Towfiiq Maxamad Cabdulqaadir Axmed iyo Suldaan Cali maxamuud Ismaciil.
Wafdigan oo isugu jiro odayaasha iyo nabadoonada beesha Saleebaan Cabdalle, waxaa halkasi kusodhaweyay Masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug oo ay kamidyihiin wasiir kuxigeenka wasaaradda dekadaha iyo kaluumeysiga ee Galmudug Cabdidahir Xuseen Cali (Dhagadheere), xildhibaan Daadir Cabdulaahi Dhakow iyo ugaaska guud ee beesha Saleebaan Cabdale ugaas Cabdulaahi Maxamad Xirsi iyo bulshada deegaanka Dusmaley.