Waxaa xalay soo gabagaboobay tartanka xaafadaha ay kakoobantahay dagmada Xeraale ee gobolka Galgaduud

Waxaa xalay soo gabagaboobay tartanka xaafadaha ay kakoobantahay dagmada Xeraale 

Tartankaan ayaa waxaa kutartamay dhamaan xaafadaha degmada Xeraale ee kala ah Hodan, Dayax, Waabari iyo Hawlwadaag. 

Hardan dheer kadib waxaa finalka soogaaray xaafadaha kala ah Hawlwadaag iyo Dayax 
Waxayna guushu raacday xaafada Howlwadaag kaalinta labaadna waxaa gashay xaafadda Dayax halka kaalinta sadexaadna ay gashay xaafada Waabari
Mahad celin gaar ah waxaa leh allihii noosuurta galshay inaan kudhamayno si nabad ah

Waxaan sidookale umahad celinayaa macalimiinta schoolka Dhagabadan oo aan anigu kamid ahay oo soo diyaarshay su,aalaha tartanka waxaana kaxusi karaa:
Mwalimu Nuur Jelle
Abdirahman Dahir
Khadar Apdi Rashiid
Casqalaani Xareed
Waxaan sidokle umahad celinayaa dhamaan police-ka ka hawlgala dagmada Xeraale oo intii uu socday tartanku sugayay amnigeena iyo amniga dhamaan kasooqayb galayaasha

Waxaan mahadcelin gaar ah udirayaa taliyaha police-ka ee dagmada Xeraale gaashaanle Cabdicasiis Ibraahin Waranle     
iyo taliyaha Danbi baarista dagmada Xeraale labaxidigle Ahmed Ciiro oo sifiican noola shaqeeyay
Waxaan sidoo kale umahadcelinayaa gudoomiyaasha afarta xaafadood sida gudoomiyaha xaafada Dayax Abduwali Af Jano,
Gudoomiyaha xaafada hodan Muqtaar Sh Abdikarim waxaana ku sime u ahaa Cabdi Shakur Xuseen, 
Gudoomiyaha xaafada hawlwadaag Ahmed Baafan Mo'alim waxaana kusime u ahaa Mowlid Bashir Abikar Moalim, 
Gudoomiyaha xaafada waabari Deeq Xasan waxaana kusime u ahayd Xabiibo Sh Xasan
oo ayaguna si wanaagsan noola shaqeeyay
Ugu danbayn tartankaan waxaa soo agaasimay oo isku dubariday aniga iyo sxbkey Aroush Ali Hussein 

                Guul iyo gobanimo

Surre

Beelweynta Surre waa beel kamida beelaha Soomaaliyeed waxayna ka mid yihiin beelaha Direed

Post a Comment

Previous Post Next Post
Surre

Contact Form